Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy oo beegsi ku billaabay ciidanka Amxaarada ee jooga Soomaaliya – Maxaa dhacay?

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada-ciidanka-militeriga-Itoobiya.j

Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil xog ogaal ah, colaada la dhex qaraxday Qowmiyadda Amxaaradda ee dalka Itoobiya iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa saameysay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha Soomaaliya lagu xiray ku dhawaad 150 askari oo ka soo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Sida ay noo sheegeen ilo wareedyada aan xogtaan ka helnay saraakiil sare oo Taliye Guuto oo Amxaari ah uu ku jiro ayaa ka mid ah ciidanka xabsiga la dhigay, markii la ogaaday inay ku milmeen colaada ka taagan gudaha dalkaas.

Magaalooyinka Baydhaba, Diinsoor iyo Buurhakaba ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay ciidamada la xirxiray, kuwaas oo loo qaaday gudaha dalka Itoobiya.

Ciidamada Qowmiyahada kale ee Itoobiya ka soo jeeda ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay ogaadeen in askarta ka soo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ee ku sugan Soomaaliya ay maleegayaan qorshe culus oo ka dhan ah Abiy Axmed, maadaama uu la dagaalamayo Qowmiyadda ay ka dhasheen.

Diyaarado ayaa ciidankaas oo maxaabiis ah looga qaaday magaalada Baydhaba, waxaana loo qaaday gudaha dalka Itoobiya, si xukuumadda Abiy ay ugu ciqaabto qorshaha ay damacsanaayeen.

Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen inay jiraan askar badan oo Amxaaro ah oo ku gadoodsan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ciidanka kale ee Itoobiya ay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa.

Dalka Itoobiya ayaa la daalaa dhacaya dagaallada soo noqnoqday ee u dhaxeeya qowmiyadaha iyo dowladda dhexe, sidoo kale qowmiyadaha ayaa ayagu isku laaya gobollada qaar.

Sidaan oo kale ciidankii ka soo jeeday Qowmiyadda Tigreega oo horay uu ula dagaalamay Abiy Axmed ayaa uga gadooday duulaanka lagu qaaday qowmiyadooda, waxaana la xusuustaa in colaadaasi ay saameysay ciidanka Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya, iyadoo la xulay oo dalkooda dib loogu ciliyey, xabsigana la dhigay askar badan oo Tigrey aheyd.

The post Abiy oo beegsi ku billaabay ciidanka Amxaarada ee jooga Soomaaliya – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this