Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada hubaysan ee ka soo hor jeeda xukuumadda Muse Biixi oo hay’adaha ugu baaqay in ay ku laabtaan xagay ka yimaadeen kana war bixiyay….

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda Gacan-libaax oo ka Hadlay Baabuur ay soo Furteen

Hargeysa(Qaran) Afhayeenka jabhadda la magac baxday dulmi diid ee buurta Gacan-libaax, Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in ciidankiisu deegaanka Dabo-gorayaale ay ka soo fuliyeen hawlgal ay baabuur ku soo furteen.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidanka Xukuumadda ay isku haleeleen, isla markaana dhinacooda uu askari dhaawac fududi ka soo gaadhay, wuxuuna ka gaabsaday khasaaraha dhinaca kale.

Afhayeen Axmed Cali Haybe wuxuu ugu baaqay Haya’adaha samofalka inay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen maadaama oo sida uu sheegay meesha ay ka baxday dimuqraadiyaddii Somaliland.

Xukuumadda Somaliland kama ay hadal dhacdadan oo baraha bulshada aad u haysatay saacadihii la soo dhaafay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this