Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashaxa WADDANI oo ka Warramay Qodobbo ay ka Wadahadleen Danjiraha Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Murrashaxa WADDANI oo ka Warramay Qodobbo ay ka Wadahadleen Danjiraha Ingiriiska
IMG-20230809-WA0005.jpg
Hargeysa( Qarannews)- Murrashaxa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in Safiirka Ingiriiska ka wada hadleen cakirnaanta siyaasadeed ee ka jirta Somaliland.
IMG-20230809-WA0004.jpg

Murrashaxu wuxuu sheegay inay weftiga Ingiriiska uga warbixiyeen xaaladd Somaliland.

Sidaasna waxa uu caddeeyay war qiraal ah oo uu caawa Murrashax Cirro ki faafiyay Facebook; kaasi oo u qornaa sidan:-

“Waxa aan galabta magaalada Hargeysa kulan kula qaadannay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Danjire Mike Nithavrianakis iyo wefdi uu hoggaaminayey oo ka tirsan Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Danjiraha iyo weftigiisa, waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaanna cakirnaanta iyo hubanti la’aanta siyaasadeed, xaaladaha nabadgelyo, iyo xaalka guud ee Gobolka Sool.”

Ma jiro wax war ah oo safiirku ka soo saaray kulankaas iyo ujeeddada sicdaalkiisa xiligan ee Somaliland oo uu ka jiro khilaaf ka dhashay kala hormarta doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada oo garabka xukuumadda taabacsan ee komishanka doorashooyinku soo saareen inay kala qabsoomayso December 2023 oo ay u qorsheeyeen doorashada Ururrada, halka doorashada madaxtooyadanana ay u cayimeen bisha November 2024.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this