Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda Somaliland oo kasii dartay kadib tallaabo ay qaadeen mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
Biixi-Waraabe-Cirro.jpg?fit=2048%2C1276&

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa ku warramaya in ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Hargeysa, kadib tallaabo ay maanta qaadeen labada xisbi ee mucaaradka, Waddani iyo UCID.

Hoggaanka labada xisbi ayaa ka baaqday shir gaar ah oo uu ugu yeeray madaxweyne Muuse Biixi, kaas oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo muranka ka taagan.

Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID oo ka hadlay arrintan ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta ay ku diideen dalabka madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay tashadeen labadooda xisbi, kadibna ay go’aansadeen in aysan ka qayb-gelin kulanka uu ugu yeeray Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu ku eedeeyay inuu dib u dhigay Somaliland, isla-markaana uu galiyay xaalad adag oo hubanti la’aan ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax Muuse uu anaga maanta noogu yeedhaa ma jirto oo hadhay, ilaa iyo maalintii uu yimid xukunka, wixii ay Somaliland kusoo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi wuu laabay” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID.

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay go’aankii guddiga doorashooyinka ee ay ku go’aamiyeen in lasoo hormariyo doorashada ururada, kadib la qaban mida madaxtooyada..

“Wuxuu daraato usoo sameeyay digreeto doorasho oo aan sharcina ahayn, sharcigeediina aanu samaysnayn” ayuu markale Faysal isaga oo ka hadlayay digreeto uu madaxweynuhu 7 August ku meelmariyay iyo jadwalkii doorashooyinka ee guddiga doorashadu soo saaray.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Somaliland ay ka taagan yihiin xaalado dagaal oo ay kamid tahay Laascaanood iyo dhalinyarada kortay buurta Gacan Libaax.

The post Xiisadda Somaliland oo kasii dartay kadib tallaabo ay qaadeen mucaaradka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this