Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo luuqad adag ku cambaareeyay Madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa,(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in martiqaadkii uu u fidiyay madaxweyne Muuse ay ahayd ku tiiq-tiiqsi.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa

“Muuse wuu tashadee, Annaguna waanu tashanaynaa yaan hadhow la odhan Calaa gweel laayey,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuuna intaas ku daray “Kulankaas uu Muuse noogu yeedhay waxaan u arkaa tiiq-tiiqsi.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu digreeto ku soo saaray doorasho aan sharci ahayn, waxaanu yidhi “Muusow Biixi wuxuu digreeto ku soo saaray Doorasho aan sharci ahayn islamarkaana sharci aan loo haynin.”

“Maalintii aanu samaynay bannaan-baxa, wuxuu Muuse damacsanaa arrinta Laascaanood ka dhacday inay Hargaysa ka dhacdo.”

Eng. Faysal wuxuu sheegay inay deegaanka Dabogirayaale ay ka dhacday wixii ay ka digi jireen,wuxuuna yidhi “Dhacdada saaka ee daba-goriyaal waa bilawga wixii aan ka digayay.”

“Doorasho ururro inay dalka ka dhacdaa waa xaaraaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this