Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu qarxiyay SH/HOOSE + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
burbur-gaari.jpg?fit=1024%2C768&ssl=1

Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo geystay khasaare xoogleh ayaa haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kaas oo ka yimid dhanka Marka,kuna sii jeeday degmada Qoryooley.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Shalanbood, gaar ahaan agagaarka tuulada Abiikarow ee Shabeelaha Hoose.

Gabi ahaan gaariga ayaa basbeelay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday rakaabkii saarnaa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka Shalanbood Nuur Cismaan Raege.

“Gaariga waa baaba’ay dadka wixii nolol iyo dhimasho aan ku aragnay waan soo qaadkay isbitaalkaa keenay” ayuu yiri guddoomiye Nuur Cismaan Raage.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiro carruur iyo dad da’ah.

“Afar qof oo dhimasho ah ayaan arkay, dhaawaca aan arkayna wuxuu gaarayaa illaa 5 qof oo ilmo yaryar iyo dad waa weyn leh” ayuu sii raaciyay

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ka agdhow ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo isku fidiyay aagga magaalada Shalanbood.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ka fulisa waddooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, ayada oo uu mararka qaar uu khasaare kasoo gaaro dadka rayidka ah.

The post Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu qarxiyay SH/HOOSE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this