Sign in to follow this  
Deeq A.

Dablay hubaysan oo afduub ka gaysay deegaan cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imanaaya deegaanka Dabogroyaale ee xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya isla markaana dhacda dhanka bari hawd ee u dhaxaysa gobolka Maroodijeex iyo gobolka Daadmadheedh ayaa sheegaaya in dablay hubaysani ay xagaasi ka afduubeen laba baabuur oo mid lagu sheegay in uu ahaa Amblaas.

Wararkale ayaa iyana sheegaaya in dablaydàasi ay dhowr qori ay ka qaadeen askar meel kangaroos ah ilaalinaysay, mana jiraan ilaa hada wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xaga xukuumadda iyo kooxda weerarkani gaystay.

Aaga ay jabhadani wax ka gaystay waa aag nabdoonaa oo aan laga filaynin in shufto noocani ka dilaacdo waana deegaan ay aad ugu badanyihiin dadka xoolo dhaqatada ah siiba feel ayaa ah kuwaasi oo aad u hubaysan waana deegaan kulaalaaya gobolada Maroodi jeex,Daadmadheedh iyo Togdheer

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this