Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda gobolka oo xukun adag ku ridday Sixiroole sameeyay arrimo yaableh

Recommended Posts

Deeq A.   
Sixiroole.jpg?fit=730%2C417&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiis xasaasi ah oo ka dhashay dacwado ka dhan ah nin sixiroole ah oo sameeyay arrimo yaableh oo ku aadan kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble, isla-markaana ah 52 sano jir ayaa waxaa horay gacanta kusoo dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isaga oo gacanta kula jira ficil fool xun iyo sidoo kale gogol dhaaf.

Baaris dheer oo ay sameysay xeer ilaalinta qaranka kadib ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jiraan haween dhibane u ah ninkan, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi iyo duubis muuqaallo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay.

Xiis oo kasoo socotay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamadda u shararxaday dhibaatooyinka kala duwan oo uu ninka u geystay dhibayaasha

”Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri sowj ka soo tooseysa in ay u bareerto mac sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dadka uu rabo inuu dhibaateeyo uu ka tixraaci jiray gawaarida dadweynaha, halka kuwa kalena uu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka,, isaga oo dabagalayay muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah.

Wuxuu kadib dadka uu kala dego baabuurta uuu ku sameeyay waxa loogu yeero “Sixirka”, sida lagu soo bandhigay caddeymo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir.

Eedeysanaha oo ka hor hadkay maxkamadda ayaa dhankiisa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, wuxuuna ka hadlay qaar kamid ah falalkii uu sameeyay.

”Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay,” ayuu yiri eedeysanuhu.

Dhanka kale Qareenka difaaca eedeysanaha ayaa wuxuu keenay dood ka duwan midda ay xeer ilaalintu soo bandhigeen, wuxuuna yiri ” Mudane guddoomiye, garsooreyaal ma jirto wax tusinaya eedeysanuhu inuu geystay sheegasho lagu sheegayo inuu dacadi sameeyay wax ka baxsan,”

Xeer ilaalinta, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashan oo qaarkood joogay maxkamadda, inkastoo la qariyay magacyadooda iyo wajiyadooda, sababo la xiriira anshaxa.

Maxkamadeynta ninkan ayaa muddo soo socotay, waxayna makaxmadddu ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, ayada oo la horgeeyay dhibanayaasha, marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha, qaar ka mid ah kuwii dhibka loo geystay, iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo bandhigay dacwadda cadeyn ku filan inta ay howsha dacwadda socotay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir GarsooreSaalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

”Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah,”.

The post Maxkamadda gobolka oo xukun adag ku ridday Sixiroole sameeyay arrimo yaableh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this