Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo saaka u fadhida dacwad ka dhan ah dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1691565724042.jpg?resize=415%2C38

Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa saaka u fadhida dhegaysiga dacwaddii ay soo gudbiyeen xubno hore looga saaray Baarlamanka Puntland.

Warbaahinta ayaa sida wararku sheegayaan gebi ahaanba laga saaray fadhiga maxkamadda waxaana loo diiday in ay tebiyaan gar-maqalka socda.

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa maalin ka hor garyaqaanka guud ee dowladda u gudbisay in uu ka soo jawaabo dacwaddan oo ka dhan ah dowladda.

Xubnaha soo gudbiyay dacwadda ayaa ka cabanaya in sifo sharci-darro ah looga saaray Baarlamanka islamarkaana loo adeegsaday awood dowladeed.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo saaka u fadhida dacwad ka dhan ah dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this