Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadaad qabtod macaan iska jir cuntada iyo cabitaanka qaar

Recommended Posts

Deeq A.   

.
Xilli la xusayo maalinta loos asteeyey wacyi gelinta cudurka macaanka. Maalintaas oo la wacyi geliyaa bukannka qaba iyo guud ahaan ba bulshada oo loo tilmaamaa siyaabaha ugu haboon ee qofka uu ku dhacaa ula noolaan karo cudurkaas iyo qaabanka bulshada inteeda kale uga gaashaaman karto.

Tirada dadka qaba macaanka guud ahaan dunida waxa lagu qiyaasaa 422 milyan oo qof waxase xaqiiqo ah in xataa caruurta uu ku dhaco cudurkani.

Dr Sakariye Maxamuud Maxamed ayaa sharraxaya cuntooyinka looga baahan yahay qofka uu ku dhacay sokorowga iyo sida ay uga gaashaaman karaa halista cudsurka.

“Raashiinka ugu muhiimsan ee uu isticmaali karo qofka qaba macaanka waxaa ka mid ah, sida qamadiga, digirta, salbukada, saliid macsarada, saliid seytuunka”.

Dr Sakariye oo tobankii sano ee la soo dhaafay daweynayay buukaannada la daalaa dhacayay cudurka macaanka ayaa ka sheekeynaya cuntooyinka u fiican iyo kuwa u daran qofka qaba cudurka sokorowga iyo waxyaabo aad khatar u ah oo ayaysan dadka ogeyn.

“Waxyaabaha kale ee qofka lagu taliyo waxaa ka mid ah in uu isticmaalo hilibka cad, biyaha cad, iskana ilaaliyo waxyaabaha ka imaaday xoolaha”.

.
Haddaba maxay yihiin cuntooyinka aanan loo ogoleyn in qofka qabo sokorowga in uu isticmaalo.

“Cuntooyinka mar walbo qofka la kala taliyo in uusan isticmaalin, waxaa ka mid ah cuntooyinka gasacadeysan, khudaarta qofka mar walbo lagula taliyo in uusan isticmaalin waxaa ka mid ah sida mooska, canbaha, babaayga, Isbaandheeska, qaraha, timirta, malabka iyo biyaha gasacadeysan ay warshadaha soo saaraan,” ayuu yiri Dr Sakariye Maxamuud Maxamed.

Sida loo xannaaneeyo carruurta qaba cudurka macaanka
Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna uga hortagi kartaa?
Cunto xumada oo la ogaaday in ay tahay dillaaga ugu weyn
Malabka iyo timirta ayuu sheegay in dadka qabo cudurka sokorta ay dhayalsadaan, balse ay yihiin cuntooyin halis ah oo loo baahan yahay in qofka qaba xanuunkaas uusan isticmaalin.

“Waxa ugu badan ee aan ku aragno bukaanada waxaa ka mid ah timirta iyo malabka ay ka aaminsan yihiin in uu yahay waxyaabo dabiici ah oo qofka aanan waxbo u dhimeynin. Malabka iyo timirta waxay ka khatar badan yihiin raashiinka caadiga ah”.

Cuntooyinka isticmaal haddii aad qabto cudurka sokowrga
Qamadiga
Digirta
Salbuko
Saliid macsarada
Saliid Seytuunka
Hilibka cad
Biyaha caadiga
Iska ilaali cuntooyinka haddii aad qabto cudurka macaanka
Cuntooyinka gasacadeysan
Mooska
Canbaha
Babaayga
Isbaandheeska
Qaraha
Timirta
Malabka
Biyaha gasacadeysan ay warshadaha soo saaraan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this