Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabdhaha Tartanka Aasiya oo Ka Cabanaya Falal Lagula Kaco Xilliga Isdiyaarinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhowr gabdhood oo ka qeybgala tartanka quruxda gabdhaha Asia, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Indonesia  ayaa gudbiyay dacwad ku aadan kiisas la xiriira xad gudub lagula kacay gabdhahaan inta ay ku jiraan isdiyaarinta lagu galayo  tartanka iyo qeybaha barista , waxaana jira xadgudub Galmo oo lagula kacay.

Booliiska aya sheegay in ay soo gaareen dhowr kiis oo ka dhacay dalka oo lagula kacay gabdho ku jiray in ay u tartamaan quruxda, waxaana la sheegay in arrintaan ay ku kacaan ku qabanqaabiya tartanka sida laga soo xigtay Qareen u dooday.

Tartanka quruxda ayaa aad looga yaqaanaa Koonfurta Bari ee Asia gaar ahaanna Indonesia, Phillipine iyo Thailand, dadka ku guuleysta tartankan ayaa caan noqda, iyagoo saameyn weyn ku yeesha baraha  ay ku kulanto bulshada ee kala duwan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this