Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha garoonka diyaaradaha Cadale + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
366350767_685098053661402_71019837773325

Cadale (Caasimada Online) – Waxaa magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ka socda dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelaneyso magaaladaas oo hoostagta dowlad goboleedka HirShabelle, kuna wacan dalxiiska, maadaama ay leedahay xeeb dheer.

Dhismaha garoonka ayaa hadda maraya heer gabagabo ah, kaas oo muhiim u ah shacabka ku dhaqan magaaladaas iyo deegaanada kale ee ku xeran.

Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo maalmahan howlo dib u heshiisin  u joogay gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kormeeray dhismaha garoonka cusub ee Cadale.

Mas’uuliyiinta kale ee kormeeyka qaybta ka ahaa waxaa kamid ah wasiiro, xildhibaano, gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka booqashadan ayaa ahaa mid loogu kuurgalayay dhismaha garoonkan oo fududeyn doono isku socodka deegaanada ku teedsan dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonkan diyaaradeed oo ka warbixisay marxaladaha uu soo maray garoonka ayaa sheegtay inuu hadda gabagaba yahay.

Dhankiisa madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay kormeerka ayaa tilmaamay in garoonkan diyaaradeed uu muhiimad gaar ah ugu fadhiyo bulshada ku nool deegaanadaan, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida, si loo gaaro horumar bulsho.

Sidoo kale garoonka laga dhisayo degmada Cadale iyo mashaariicda kale ee haatan ka socota gobolka ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay dadka deegaanka.

Horay waxaa magaalada looga dhagax dhigay dhismaha xarunta wasaarada kalluumeysiga HirShabelle iyo mashruuc weyn oo loogu talagalay in kalluumaysiga lagu horumariyo.

366238945_685097876994753_46591360484647 366305897_685097776994763_64542421434610 366350767_685098053661402_71019837773325 366371454_685097840328090_38823825649538 366500316_685097956994745_18207090885327 366536094_685098003661407_41133851898606 366536893_685098023661405_37138683303062 366539788_685098080328066_28185245237735 366558352_685097810328093_15511847288591

The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha garoonka diyaaradaha Cadale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this