Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhabancad: DF isbaaro ayey u dhigatey mashaariicdii horumarineed ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhabancad.jpeg?fit=1652%2C1319&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhabancad ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in deeqaha caalamiga ah iyo mashaariicda ay isbaaro u dhigatey oo aysan dalka gaarsiin, taas oo caqabad ku ah hanaanka dowlad dhiska dalka ee muddo soo socdey.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay tahay in ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan hormarkiisa, laakiin taas beddelkeeda muddooyinkan danbe ay caqabad ku noqdeen hormarinta dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku eedeeyey in dowladda ay hub siyaasadeed ka dhigteen mashaarcda caalamku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna ay Puntland ka hor istaageen dhamaan mashaarciidii horarineed ee dadku ka faa’ideysan lahaa.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay meeshii la rabey in Dowladda Federaalka ah ay noqoto hannaan wax fududeynaya oo keliya, oo ay u fududeyso hawlaha dowaldaha xubnaha ka ah oo dalkaan amnigiisa iyo adeegiisaba gacanta ku haya 90%, ay shaqo ka dhigteen in ay mashaariicda isbaaro u dhigtaan, sida uu hadalka u dhigay

Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ku doodey in Puntland ay shuruuc adag u dejisey maamulidda mashaarciideeda hormarineed iyo deeqaha si loo hubiyo dadka loo adeegayo in ay si toos ah uga faa’iideystaan mashaariicdaas.

Ugu danbeyn Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Dhabancad ayaa xusey in dhanka shuruucda Bankiga Puntland ay horumar weyn ka sameysey, sidaas darteed, lacagaha mashaariicda hormarineed ay tahay in Baanka Puntland ay toos ugu soo dhacdo.

“Lacagaha markii hore Muqdisho la soo marin jirey waxay keeneen dhibaato weyn oo ah marka dalabaadka la sameeyo ama la rabo in la fuliyo mashaarciida in aan la helin lacgataas, ama waxaa la siinaayaa dad aan la aqoon iyo shirkado aan Puntland ba ka jirin taas oo dadku aysan toos uga faa’ideysan,” ayuu yiri Dhabancad.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah golihiisa wasiiradu ay dhawaan booqasho ku tagaan magaalada Nairobi, si ay kulamo ula qaataan deeq bixiyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Cabashada Puntland ayaa imaneysa xilli Puntland ay dooratay inay khilaafka u jarto dowladda federaalka.

The post Dhabancad: DF isbaaro ayey u dhigatey mashaariicdii horumarineed ee Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this