Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Saciid DENI oo u baxaya safar dibadeed xilli uu qorsheynayo inuu…

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorshaynaya in uu wax ka bedel ku sameeyo xukuumaddiisa, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedkiisu.

Madaxweyne Saciie Deni ayaa sida lagu wado waxa uu xilalka ka qaadi doona masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, halka uu kuwa kalena uu magacaabi doono, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Illo wareedyo ka tirsan madaxtooyada maamulka Puntland ayaa laga soo xiganaya in madaxweyne Deni uu dhawaan diyaarinayo magacaabista mas’uuliyiintaas cusub.

Arrintaan uu qorsheynayo madaxweynaha Puntland ayaa imaneysa xilli lagu wado inuu u ambabaxo safar dalka dibaddiisa ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo xilkas ah.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu safarkiisa dibaddeed ku aado magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula qaadan doono masuuliyiinta u sareysa dalkaasi.

Saciid Deni oo wajahaya culeys siyaasadeed gudaha oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uusan u socon muddo kororsi, islamarkaana uu qabanayo doorasho, taasi oo shaki xooggan ka muujiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee sida weyn isku hayaan.

“Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni oo sheegay in uusan ku jirin damac muddo kororsi.

“Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo.”

The post XOG: Saciid DENI oo u baxaya safar dibadeed xilli uu qorsheynayo inuu… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this