Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan safar dalka dibaddiisa ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1652803517039.jpg?resize=960%2C64

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida lagu wado qorshaynaya in uu sameeyo magacaabista mas’uuliyiin kala duwan.

Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan diyaarinayo magacaabista mas’uuliyiin cusub.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in uu safar ugu baxo dalka dibaddiisa gaar ahaanna magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Warar qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu khamiista todobaadkan ku wajahan yahay safarkiisa dalka dibaddiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan safar dalka dibaddiisa ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this