Hawdgirl Posted November 1, 2007 W. Q. Zahra Abdi Hersi –Holland- Xigmad ayaa oranaysa “ Hadal kasta oo wanaangsan wuxuu sabab u noqdaa is fahan iyo is oggolaansho, dib iskugu noqosho iyo wadatashi, waa mid naga go’an in aanu isweydiino, maxaa talo ah iyo sidee ayaan maanta uga bixi karnaa masiibadan na kala dirtay,xusuuso xadiiskii rasuulkeena Ilaahay korkiisa nabad iyo naxariis ha yeele laga soo weriyay “hadalka wanaangsan waa saddaqo” Hadallada xun iyo dhaqanka xun ee aan caadaysanay waxay sabab u noqdeen kala fogaanshaha shacabkii Soomaaliyeed ku yimid iyo sababta uu dabka kuleyl uga shidmay dalkeena, waddankeena waxaa caadi ka noqotay in dhiig walaalaha wada dhashay ay si macnodarro ah iskaga daadiyaan,, ugu dambayntiina la kala saari waayo mujrimka ama dhiigya cabka iyo midka wax dhibsanaaya ee aan raalliga ka ahayn waxaan dhacaaya,waayo waxaa la la’ yahay mid wax wanaangsan sheega iyo mid si cad u diiddan waxaas, waxa keliya oo muuqda waa aniga oo reer hebel ah iyo aniga oo ku hadlaaya magaca reer hebel, waxaase is weydiin mudan waxa loo la’ yahay aniga oo ku hadlaaya magaca dhibbanayaasha shacabka Soomaaliyeed iyo magaca dhibbanayaasha la liido, waxaan been ahayn haddii la is daba qaban waayo in la waayi doono, dad iyo dalba, murugada iyo colaaddana waxay noqon doontaa (inkastoo ayba hadeer tahay) mid caadi ah oo aan lala yaabin ama nolosha ka mid ah. Laakiin haddii guud ahaan na loo eego oo aan qabiilka dhinac iska dhigno, qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ka murugsan yahay arrimaha Soomaaliya ee murugsan, haseyeeshe xalka waxaa hortaagan oo aan weli la fahmin meesha ay ka unkatay ama ka bilaabatay mushkilada, eedayn aanu is eedaynayno iyo mid aanu dad shisheeye naga ah eedaynayno waqti badan ayaa nooga lumay, inagga oo aan ogeyn sababta aanu isku eedaynayno dad kalena u eedaynayno, waxay keentay in xalkiina la garan waayo meel laga baadi goobo. Wax kasta sabab ayay leeyihiin ama sabab ayay ku bilaabmaan, dabka waddankeena ka shidan wax ayaa sabab u ah, in bulshada ay wareersato oo ay kala garan waydo wax wanaagsan iyo waxa xun sabab ayaa keentay, waxaana sababahaas ka mid ah, sida aan isku cunsurino oo isku kala saar saarno, sida aan isku liidno ee midkeen midka kale iska weyneysiiyo, sida dhaqankeenu uu u kala fadilay haweenka iyo ragga, sida xun ee aan ubadkeena u barbaarsano, dhibaatada haweenka loo geesto sida gudniinka, sida ragga beenta dhegaha loogu shubo oo loo yiraahdo waxaad tahay nin 100 ah halka haweenka looga qaado sharafta iyo karaamo oo la yiraahdo waxaad tahay 50. Akhristow ama aan diidno ama aan doono inta dhaqamadaas aan ku dhaqmayno ka bixi mayno noloshan mugdiga iyo xanuunka wadata. Waa in aan colaaddan soo afjarnaa, innaga oo cidna eedaynaynin, innaga ayaa dabkan shidnay cid damin karta ma jirto oo aan ka ahayn innaga,innaga ayaa is nacnay, cidina dhexdeena jacayl ma dhex dhigi karto ilaa aanu innagu isku naxariisano oo is jeclaano in aan nabad iyo sinnaan u wada noolaano aan marka hore isku raacno oo isla fahano waxna laga qabto qodobadan hoos ku qoran: - Waxaa ugu horreeya xalka waddankeena in aanu marka hore erayga qabiil la isku raaco in uu yahay eray af lagaado ah ama erey la isku caayo. -In ragga iyo haweenka lagu kala fadli xagga u dhowaanshaha Rabbi Subxaanahu Watacaala waxaana fadli badan oo karaamo iyo sharraf u sugnaaday qofkii Allah u dhow. -In la baabi’iyo dhammaan maahmaahyada lagu liidayo haweenka lana raacsiiyo raga u taagan in ay markasta haweenka liidaan. -In carruurta lagu barbaariyo jacaylka diintooda iyo waddankooda lana baro taariikhdoodaa dahabiga ah iyo geesiyaashooda. -In ay bulshada ka soo baxaan aqoonyahano aan aqoon qabiilkooda ama kuwa aan haba yaraatee sheegan qabiil iyo qurunkiisa si ay aqoonyahanadaas u abuuraan Soomaali weyn. -In kuwa wata magacyada xun xun ee casrigii jaahiliyada laa isticmaalayay la baabi’yo kuwaasoo ah: Ugaas, Garaad, Wabar, Malaaq, Suldaan, Beeldaaje iyo wixii la mid ah, intii ay kuwaasi jiraana aan la helyn wax la yiraahdo Soomaali weyn oo ku wada noolaato nabad iyo caano. -In aan lagu soo qorin bogagga Soomaalida siiba kuwooda waxtarka leh, kuwa yiraahdo waxaan ku hadlayaa magaca reer hebel ama war ay soo saareen reer hebel, inta kuwaasi waxaasi soo qorayaan kama baxayno mugdiga iyo jahliga, middaa kale, kuwaasi oranayaan waxaan ku hadlayaa reer hebel ama war ay soo saareen reer hebel waa 4 nin oo meel iskugu tagtay oo aan cidne u hadleyn oo wareersan. -In haweenka Soomaaliyeed garab weyn lagu siiyo sidii ay u cirib tiri lahaayeen gudniinka nooc kasta ha la haadeene iyo in haweenka ay ogaadaan oo ay qiraan xanuunka uu gaarsiiyay falkaas waxashnimada ah. -In ragga Soomaaliyeed ay 100 ka qayb qaataan ka hortagga gudniinka haweenka ee loo geysanayo hablahooda. Ugu dambayntii in aan iska illowno wixii shalay dhacay, maanta aan dareeno in aanu Soomaali nahay mustaqbalkeena berritana aanu ka wada tashano Quote Share this post Link to post Share on other sites
umu zakaria Posted November 1, 2007 Very informative n realy impressive. am glad a sister is trying for a change. I especially love the first qodob. hadaan dadka ku kala saraysiino sideey ALLAH ugu sii kala dhowyihiin, we would be the most blessed nation in Africa. I think the whole mess waa caro ALLAAH SW. HOEDGIRL Thanks for sharing Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hawdgirl Posted November 1, 2007 Thanks Umu Zakaria for your opinion about the article, the only reason I posted this article is that there has been some criticism regarding it, and I dont see the issue, so I was wondering what others could think of it? here is one of the criticizing pieces towards the sista about her article sahro alle ka cabso Bismillaahi Raxmaani Raxiim Asalaamu Calaykum ww salaan kadib marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada islaamka intaas kadib waxaan rabaa inaan u mahad celiyo asxaabta somali talk hadaan usoo dhaadhaco ujeedkeyga waxaan rabaa haduu allaah subxaanahu watacaalaa ii suurto geliyo in aan wax ka iraahdo gabadha la yiraahdo sahro oo ku owr kacsaneysa in naagta iyo ninka ay siman yihiin inaysan sineyn waxa kuu cadeyneysa in haweenayda markhaatigeedu inuusan la mid aheyn midka ninka, isagoo quraanku sheegay inay bar tahay, taasi waa mida koowaad oo cadeyneysa inuusan ninka iyo naagta sineyn tan labaad waxaa cadeeyay illaah kheyr haka siiyo walaalkeena abu xaazim oo daliilo cad meesha keenay anigana baaritaan ayaan ku sameyay kitaabada uu sheegay marka waxaa cad ineysan daliil heynin sahro oo ay ku doodeyso meel cidla ah marka waxaan ugu nasteexeenaa in ay baaritaan ku sameyso diinta islaamka mida hore waa sax ineysan quraanka ku jirin meel dhaheysa in ninka yahay boqol gabadhuna tahay bar laakiin waxaa jira ugu jirin Waa inaan aadnaa tallaabada xigta sunnadii khulafada raashidiinta, iyo ijmaacii saxaabada, markaan kutubta islaamka soo rogno oo mas’aladaan baarno waxaan helaynaa in uu arintaas xukmiyey Cumar Bin khaddaab iyo cuthmaan bin caffaan, sida ku cad musannafka ibnu abii shaybah mujalladka 11aad bogga 22aad. Iyo Irwaa Al-qaliil uu qoray Sheekh Albaani 7/310. As-sunan Al-kubraa uu qoray Imaam Al-bayhaqi 8/71 saxaabada rasuulkuna sidaas ayey ku midoobeen in magta haweenaydu tahay kala bar inta ninka, waxaana ijmaacaas soo guuriyey culimo badan oo uu ka mid yahay: Imaamu shaafici, Abubakar Bin abii shaybah sida ku sugan kitaabkiisa Musannafka ah, waxaa sidoo kale soo guuriyey dhammaan fuqahada islaamka sida ku cad: Al-muqnii uu qoray Imaam Ibnu qudaamah 9/531, iyo Ijmaaca ibnu Mundir iyo Ibnu C/barr, iyo fiqhi sunnah Sayid Saabiq 2/377. intaasi ayaa kugu filan daliil sida uu u sheegay walaalkeena abu xaazim anigana tixraac ku sameeyay sahro waxa kaloo ka rabnaa i saxaabada rasuulkuna sidaas ayey ku midoobeen in magta haweenaydu tahay kala bar inta ninka, waxaana ijmaacaas soo guuriyey culimo badan oo uu ka mid yahay: Imaamu shaafici, Abubakar Bin abii shaybah sida ku sugan kitaabkiisa Musannafka ah, waxaa sidoo kale soo guuriyey dhammaan fuqahada islaamka sida ku cad: Al-muqnii uu qoray Imaam Ibnu qudaamah 9/531, iyo Ijmaaca ibnu Mundir iyo Ibnu C/barr, iyo fiqhi sunnah Sayid Saabiq 2/377. waxa kaloo jira in ay tiraahday waxay bilaabatay qarniga afaraad arintqan diyada oo ninkana 100 yahay naagtuna 50 tahay marka waxaan ka rabnaa meesha ay kasoo xigatay arintaas tan kale arinta qabiilka wax jira oo jira jira doono waaye mahan wax ey reebi karto ma ahan Allena isagaa nooga ogaalbadan qabiilka , marnaba dhici mayso in qabiil meesha kamarnaado waayo ilaahba ugumatalagalin , alle marka uu lahaa , dadyohow waxaanu idinka yeelnay shucuubyaal iyo Qabiillo Suuratul xujuraat Ayadda 13aad, (yaa ayuhalnaasu inaa khalqnaakum min dakarin wa un tha wa jacalnaakum shucuuban wa qabaa ilaa litacaarafuu) marka arinta ay ka hadleyso waa qabyaalad waa wax xun oo waxa soomaalidu heysato laakiin hadaad dhahdid qabiil ma jiro waa adiga oo dhahdo rixim ma jirta tusaale qureysh yaa waaye waa dadka uu ka dhashay nabi muxamed salawaatullaahi calayhi wasalim qureysh waa qabiil ka mid ah qabiilada carabta hadaad dhahdo qabiil majiro waa adiga oo beeniyeysay aayadaas tan kale qabiilku kama jirto soomaaliya oo kaliya waxay ka jirtaa caalamka tan soomaaliya ka jirto oo cudurka ah waa qabyaalad taasi waa tan nakala geysay oo na dhigtay meesha hada yaalno marka waxaan ku talin lahaa in illah loo noqdo oo doodaan meesha lagu joojiyo waxaan allah ka baryayaa inuu xaqa na waafajiyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
umu zakaria Posted November 2, 2007 I think qofka soo qoray khilaafka waxaa uu ka hadlayaa arrimo sax xaqiiqdii. hadii aan u qaato siday gabadhu ula jeeday waa sahro, waxay ka waday marka ay soomlidu yiraahdaan ninku waa boqoloow naagtuna waa 50 leey, waxay u dhahaan si yas ah oo khaas ahaan raggu ku liidayo haweenka taasna ma banaana. ALLE hortiisa dhamaan waa laga simanyahay. Teeda kale qabiilku soomalidu si xun oo qabyaalad ku jirtey u isticmaalaan badankood, waana arrin dhalisay isnacayb iyo isu kala eexasho aan diini ahayn, in la is liido, la is noco, cadow la isu noqdo oo xitaa la is dilo. Qabaailka waxaa loogu talo galay in la isku barto, oo la isugu gargaaro, magta la isla bixiyo, la is qabankaro oo si nabad oo dhab ah loo walaaloobo. Koleey dadka ka doodaya gabadhu waxa ay qortay, hadii dhanka diinta laga eego waa ay ka saxanyihiin sahro, balse waxaan qabaa inay ayadu jaahilnimada iyo liidka xun ee dhaqankeena ah inay ka hadlaysay. Sahro waxaa wanaagsan inaysan qorin wax diinta khilaafsan waayo meelna kuma gaarayso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 3, 2007 Walaasheen Sahro Cabdi Xirsi qoraalkeeda hore muxuu ku saabsanyahay? Meel aan kala qabsado ayaanba kasi waaye. Gudniinka gabdhaha muu ku saabsanyahay? Qabyaalad? Dhaqanxumadda dadka Soomaaliyeed qaarkood? Qaxarka iyo dhibaatadda lagu jiro maanta? Wax badan ay soo jeedisay aragti ahaanteeda waaku raacsanahay, siiba qabiilka iyo qabyaaladda la wada ciribtiro, la baa'biyo, kor iyo hoos. Quote Share this post Link to post Share on other sites