Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka debdamiska oo ka hadlay dab ka kacay Fooq ku yaalla Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Debdamiska oo ka Hadlay Dab Ka Kacay Fooq ku yaalla Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska ayaa xalay saqdii dhexe soo bad-baadiyey 14 Qof ka dib markii uu dab qabsaday fooqii ay degenaayeen.

Xalay abaaro 2:30 habeenimo ayaa waxa uu dab weyni ka kacay fooq ku yaala Magaaladda Hargeysa gaar ahaan suuqa Heegada kasoo horjeedka (Kaalinta Xasan Gallan).

Fooqan dabku ka kacay ayaa ka koobnaa qaybo kala duwan iyadoo loo isticmaalayey Hurdo iyo Ganacsiga qaybihiisa kala duwan.

Dabkaas ayaa ahaa mid ku fidayey Saddex dabaq oo ka mid ah dhismahaas, waxaana si laxaad leh u xakameeyey Ciidanka naftood hureyaasha ah ee Dab-demiska una diiday in dabkaasi uu ku fido Fooqyo badan oo ka ag dhawaa waxaanay ciidanku Bartiisi ku Damiyeen dabkaas iyagoo badbaadiyey Hantidii taalay.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sarreeyo guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa waxa uu usoo jeediyay dadweynaha in ay ka waantoobaan dhismeyaasha kala duwan iyo fooqyada laga hor dhisayo Jiingadaha iyo Buulasha kuwaasi oo Sababi kara in uu Dab ka kaco.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this