Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaankii Xasan Ismaaciil oo ku Geeriyooday Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Fanaankii Xasan Ismaaciil oo ku Geeriyooday Hargeysa

IMG-20230808-WA0004.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Alle ha u naxariistee fanaankii Xasan Ismaaciil Uurcade ( Tuse) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Xasan Ismaaciil oo ku dhashay deegaanka Xagal ee duleedka Magaalada Hargeysa 1951,waxa uu fanka ku soo biraay sanadkii 1968.

Alle ha u naxariisto Fanaan Xasan Ismaaciil Uurcadde oo loo yaqaanay Tuse Aw Toosiye, wuxuu ahaa Fanaan wayn.
Waxaana si gaar ah loogu Xasuustaa Riwaayadii If iyo Aakhiro

Alle u Naxariisto Xasan Ismaaciil Uurcadde wuxuu sidoo kale ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.

Samir iyo Iimaan alle haka siiyo dhamaan Ehelkiisii,Qaraabadii,Bahda fanka iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this