Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay siihayaha safiirka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16914936217998163.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo guud ahaan dalka laga sifeeyo muddo gaaban kooxdaas.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay siihayaha safiirka Mareykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this