Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Ingiriiska oo ay hogaaminayso MP Alicia Kaearns oo ah Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaa kale oo ka mid Mp Rushanara Ali iyo Xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbixin ka siiyey  weftiga Xalaada guud ee nabadgelyada Somaliland.

Dhinaca kale weftiga iyo Wasiiradda ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska.

Kulankan waxaa Wasiirada ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mustafe Cumar Yare iyo Masuulin kale oo ka mid ah Wasaaradda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this