Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo laba qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay sii-hayaha safiirka, ahna safiir ku xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon.

Labada mas’uul ayaa waxa ay isla soo qaadeen laba qodob oo kala ah xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada waddan iyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan leh oo uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan.

“Way ka go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib kulanka uu la yeeshay sii-hayaha safiirka Mareykanka.

Dhinaca kale Danjire Shane Dixon oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa isaguna ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo qorshayaasha kale ee la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda iyo shacabkeeda.

Mareynkanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna fuliyaa duqeymo, isaga oo sidoo kale tababar iyo qalab siiyay ciidanka Danab.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay dowladda Soomaaliya dardar-gelineyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo loo diyaariyay in ka badan 10 kun oo askari.

366276472_646506534245163_46193782157835 366165593_646506544245162_55827679622548 366255495_646506570911826_71921524539168 366229815_646506580911825_66031104055469 366262221_646506604245156_29817289703965

The post Xamza oo laba qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this