Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal lagu burburiyay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin oo ka dhacay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyay xarun Al-shabaab ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu beegsaday garaash wayn oo Al-shabaab u ahaa goob ay ku diyaariyaan qaraxyada, waxaana hawlgalkaas lagu burburiyay afar gaari oo ku rakiban yihiin qaraxyo.

Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo si gaar ah ugu tababaran sameynta qaraxyada.

PUNTLAND POST

The post Howlgal lagu burburiyay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin oo ka dhacay Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this