Deeq A. Posted August 8, 2023 Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in xalay magaalada Hargeysa lagu xiray Idiris Alteeso oo kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga. Alteeso oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa caasimada Hargeysa ayaa waxaa xabsiga dhigay Booliska Somaliland, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Xilliga la xirayay Idiris Alteeso ayaa lasoo wariyay inuu ku sugnaa mid kamid hoteellada ku yaalla xaafadda Jigjiga Yar, halkaas oo lagu soo waday, kadibna xasbiga la dhigay. Ninkan ayaa kamid ah dhalinyarada, sida gaarka ah wax ugu qoro baraha bulshada, gaar ahaanna facebook-ga, wuxuuna ka hadlaa arrimo kala duwan. Sababta loo xiray ayaa lagu soo warramayaa inay la xiriirto qoraallo uu horay uga qoray Somaliland oo la xiriira dagaalka Laascaanood iyo arrimo kale oo quseeya Hargeysa, Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda iyo saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan xarigga Idiris oo hadal heyn badan dhaliyay. Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigta dadka caanka ka ah baraha bulshada iyo fannaaniinta marka ay tegaan deegaanada maamulkaas, gaar ahaan Hargeysa. Haddaba sidee looga falceliyay xarigga Idiris Alteeso? Qaar kamid ah dadka isticmaalaha baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta Idris waxaana kamid ah Ifraax Maxamed oo tiri “Somaliland ayaga dadka caanka ah oo la xiraaa may caanimo ka raadisaa horta waaba fahmi la ahee?. Somaliland qofkii taga qasab miyaa in la xiro yaab wlh?. Maxamed Faarax ayaa isaguna qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweyne Muuse Biixi wax walba ma ilaawo”. Cabdiqaadir Samadoon ayaa isna si kaftan leh uga hadlay wuxuuna yiri “Laandheere liinta dhanaan miyaa mise macaan?”.The post Idiris Alteeso oo xalay lagu xiray magaalada Hargeysa appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites