Deeq A. Posted August 8, 2023 Jijiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil wadareed xalay carruur loogu geystay deegaanka Qorof oo hoostaga degmada Gallaadi oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Falkan argagaxa leh oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 5 carruur ah, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu salka ku hayo aano qabiil, ayada oo carruurta hal goob lagu wada dilay, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Xilliga la dilayay carruurta ayaa waxa ay ka yimaadeen aroos, waxaana la sheegay inay seexdeen meel u dhow dugsigooda Qur’aanka, kadib halkaas loogu yimid, laguna dilay. “Waa fakadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka, lamana yaqaano waxa ay ku laayeen carruurta” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Dhmmaan shanta carrruur ee goobta lagu dilay ayaan qaan-gaarin, waxaana la sheegay in midka ugu weyn uu jiray 13 sanno, halka kan ugu yarna uu ahaa 6 sanno jir. Carruurta ayaa sidoo kale laba kamid ah waxay ahaayeen agoon, kuwaas oo horay aabahood, sidaan oo kale loogu dilay aano Qabiil darteed. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca is-maamulka Soomaalida Soomaalida oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan. Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka, maadaama si lama filaan xalay loo laayay illaa 5 carruur ah oo aan waxba galabsan.The post Shan carruur ah oo si arxan darro ah loogu dilay DDS appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites