Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-dagaal-howlgal-ciidamada-ci

Buulo-Burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus iyo duqeyn maanta ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Mukayle oo hoostaga magaalada Buulo-Burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu bartimaameedsaday Garaash ku yaal deegaanka oo kooxdu ay ku diyaarineysay qaraxyo.

Warka dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in halkaas lagu burburyay illaa afar baabuur oo qaraxyo lagu xiray.

Sidoo kale dowladda ayaa shaaca ka qaaday in meesha lagu laayay xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin inta ay la’egtahay tiradooda.

“Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobtaas waxaa ku halaagsamay maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta qaraxyada” ayaa lagu yiri warka kooban ee ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in dowladdu ay dib ka bixin doonto faah-faahinta natiijada rasmiga ah, maadaama uu weli socda howlgalka ka dhacay agga Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli ah mdi kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada xoreynta, waana halka uu ka billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka oo dhan.

The post Ciidamada DF oo burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this