Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Hay’adda Tayada oo Kulan ku Yeeshay Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Hay’adda Tayada oo Kulan ku Yeeshay Berbera

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa maanta kullan ku yeeshay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Kulankaas ayaa lagaga wada hadlay hannaanka loo horumariyo Heertayeedyadda Qaranka.

Warku wuxuu intaas ku daray in kulankani uu socon doono muddo saddex cisho ah, waxaana muddadaas lagu gorfayn doonaa horumarinta Heertayeedyadda iyo dardar gelinta Shaqada Hay’addu Qaranka u hayso ee gobolada kala duwan ee Dalka JSL.

Waxaa kale oo guddidu ay sidoo kale kormeer ku samayn doonaan habsami u socodka shaqada Hay’adda Dhawrista Tayada ee Gobolka Saaxil iyagoo soo mari doona dekedda iyo Shaybaadhka Qaranka ee Cuntada, Daawada iyo Agabka la isku qurxiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this