Deeq A. Posted August 8, 2023 Guddida Hay’adda Tayada oo Kulan ku Yeeshay Berbera Hargeysa(Qaran news)-Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa maanta kullan ku yeeshay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Kulankaas ayaa lagaga wada hadlay hannaanka loo horumariyo Heertayeedyadda Qaranka. Warku wuxuu intaas ku daray in kulankani uu socon doono muddo saddex cisho ah, waxaana muddadaas lagu gorfayn doonaa horumarinta Heertayeedyadda iyo dardar gelinta Shaqada Hay’addu Qaranka u hayso ee gobolada kala duwan ee Dalka JSL. Waxaa kale oo guddidu ay sidoo kale kormeer ku samayn doonaan habsami u socodka shaqada Hay’adda Dhawrista Tayada ee Gobolka Saaxil iyagoo soo mari doona dekedda iyo Shaybaadhka Qaranka ee Cuntada, Daawada iyo Agabka la isku qurxiyo. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites