Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxda amniga Muqdisho oo yeeshay kulan ay ku qaateen go’aano culus

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.25-AM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga XFS Maxamed Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa kulan ku saabsan dardargelinta amniga caasimadda, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Maandooriyaha waxay la qaateen saraakiisha laamaha amniga iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliska Hey’adda NISA, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha ka shaqeysa Amniga Caasimadda Muqdisho.

Shirkaan ayaa la isla qaatay in la dardargeliyo awaamiirtii horay uga soo baxday madaxda dowladda oo ay ugu horeyso ‘xakameynta hubka’ iyadoona qofkii ku xadgudubta lala tiigsan doonno maxkamadaha ku shaqada leh.

Sidoo kale, Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta (Garan-waaga), Maandooriyaha, Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa bulshada iyo laamaha ammaanka ayaa lagu gorfeeyey shirkaas.

Ugu daneyntii shirka ayaa lagu amaanay doorka hogaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab hadda u jooga Dhuusamareeb.

Masuuliyiintaan qaabilsan amniga shacabka caasimadda ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalkaan markii laga guul-gaaro ay xasili doonto bulshada ku nool caasimada Muqdisho oo dhibaatooyinka ugu badan kala kulanta beegsiga argagixisada.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay siisay muhiimad gaar ah, waxaa amniga caasimadda lagu wareejiyey ciidan gaar ah oo loo soo tababaray (boolis-militaar) waxaana yaraaday dilalkii tooska ah, halka meesha laga saaray qaraxyadii gaadiidka ay ku soo rari-jireen Al-Shabaab.

Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in lasoo afjaro Al-Shabaab-ka jooga gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana hadda galmudug ka socda guluf dagaal oo kooxda looga xoreynayo magaalooyin ay ugu horeyso Ceelbuur oo Galmudug ay ka joogaan.

WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.31-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.32-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.33-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.34-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.25-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.26-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.27-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.28-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.29-AM WhatsApp-Image-2023-08-07-at-11.26.30-AM

The post Sawirro: Madaxda amniga Muqdisho oo yeeshay kulan ay ku qaateen go’aano culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this