Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: DF Soomaaliya oo cusbooneysiisay heshiiskii muranka dhaliyey ee Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   
357735279_628716979357452_54409266557332

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale cusbooneysiisay heshiis kalluumeysi oo horay loola galay maraakiib kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, sida uu shaaciyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.

Wasiirka oo lagu magacaabo Axmed Xasan Aadan ayaa ka warbixiyay heshiiskan oo mar kale loo cusoobooneysiiyay iskaashatada kalluumeysiga ee Chinese Fishing Cooperation.

Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in laga faa’iideysto Kheyraadka Badda, ayada oo loo marayo hab sharci ah.

“Soomaaliya waxay dooneysaa ama u taagan tahay in laga faa’iideysto Khayraadka dalka nooc kasta oo ay ahaadaan, maadaama xilli adag lagu jiro, isla-markaana kor loogu qaado dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Wasiikra Kalluumeysiga oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in heshiiskan oo ah mid muhiim ah lagu sameeyay wax ka beddal, sidoo kalena wax lagu daray, balse shirkaduhu ay yihiin kuwii hore.

“Heshiis cusub iyo shirkado cusub ma’ahan shirkadihii horay u jiri jiray ayaan dib u galnay heshiiska, waxna ka beddalnay, marka iyagii uunbaan u cusbooneysiinay” ayuu yiri.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu faa’iidu ugu jiro Somalia, gaar ahaan kaabayasha kalluumeysiga.

“Hadafka wuxuu yahay in loo gudbo marxalad ah in Soomaaliya kaabayaasheedii kalluumeysiga ay dib usoo noolaadaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Heshiiskan oo markiisii hore la galay dabayaaqadii 2018-ka, ayaa dhammaaday sannadkii hore, waxana uu oggolaanayaa in maraakiibta Kalluumaysiga ee Shiinaha ay oggolaansho ka qaataan dawladda si ay u kalluumaystaan xilli cayiman, una qabsadaan kalluun gaar ah.

Heshiiskan ayaa waxaa ka dhashay muran badan ayada oo dad badan ay dhaliileen sababo la xiriira in kaliya hal milyan dollar laga qaadayo Shiineeska, ayna adag tahay in laga war hayo inta uu le’eg yahay kalluunka ay badda Soomaaliya ka qaadanayaan.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/08/warysi.mp3The post Dhageyso: DF Soomaaliya oo cusbooneysiisay heshiiskii muranka dhaliyey ee Shiinaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this