Sign in to follow this  
Deeq A.

Wado baabuurta, dadka waaweyn iyo caruurta halis ku ah oo degmadda Macalin Haaruun saaran

Recommended Posts

Deeq A.   

20230807_130041-scaled.jpg

20230807_130037-scaled.jpg
20230807_130041-1.jpg

20230807_130037-1.jpg

20230807_130007.jpg

20230807_125950.jpg
Briishka ka yar ee looga talaabo degmada Macalin Haaruun ayaa ah mid aad u dayacan tan iyo labadii sano ee ugu danbeeyay kadib markii briishkaasi yar ay roobab laxaad leh oo da’ay ay birihii hareeraha ka jareen sidoo kale ay qaadeen birthday xayndaab u ahayd oo loogu talo galay hadii ay baabuurtu ka baxaan khadka qabta.

Wadadani Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxa ku waxyeeloobay dhowr baabuur. Xiliyada habaynkiina dadka waaweyn waxa ay ku haysaa halis.

Hadaba sida kuu muuqata waxa maanta briishkaasi dhankiisa galbeed ka dhacay baabuurka yar ee Dhaweeyaha ah.

Waxana wadada briishkaasi waqooyi ka xigta dhistay dadka xaafada oo ay Dawlada hoose taageerayso xiligii wadadaasi la dhameeyay dawlada hoose way ka gaabsatay in ay wax ka qabato oo dayac tiro Briishkaasi iyo hareerahiisa oo halis ku haya dadka xaafada ee cashuur bixiyayaasha ah.

Dhawaan ayaa qaybo ka mid ah dhalinyarada xaafada Macalin Haaruun ay cabashooyin ka sameeyeen wax qabad laanta dawlda hoose ee Hargeysa oo aan dayac tirin ama samaynin wadoiyiin mihiim ah oo degmada Macalin Haaruun ah, inkasta oo la dareemaayo shaqooyin socda ha ka hoosayso kuwa xaafadaha kale ee caasimadda

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this