Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan kashifay heshiiska hotel DECALE – Maxaa ka khaldan?

Recommended Posts

Deeq A.   
Decale-Hotel.jpg?fit=1440%2C1253&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ayaa kashifay heshiiska lala galay shirkadda dhistay hotel Decale oo ku dhex yaalla garoonka, isaga oo soo bandhigay khaladaad ka jira.

Xildhibaanka oo su’aal weydiinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu soconayo 25 sano, laguna qiyaamay dowladda, isaga oo su’aal ka keenay sababta ilaa iyo hada uu KMG u yahay.

“Decale Hotel wuxuu ka mid hoteellada waa weyn ee dalka, wuxuu yaallaa garoonka dhexdiisa si xoogleh ayuu u shaqeeyaa, waa ka horreeyay wasiiradda heshiiskiisu , laakiin hadda ayada mas’uul ah xaq ayay u leedahay inay ku noqoto, maxaa illaa hadda uu heshiiskiisa KMG u yahay?” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Axmed Beerey.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay qaadato saami u dhigma 12%, halka inta kale ay leedahay Shirkadda FAVORI, taas oo uu cadaalad darro ku tilmaamay.

“Heshiiskii hore waxaa ku qoran dowladda Soomaaliyeed inay 12% leedahay sidoo kale 88% uu leeyahay Company-ga hotelka, sax ma’ah” ayuu mar kale yiri.

Beerey ayaa dalbaday in heshiiskan dib loogu laabto, isla-markaana lagu soo celiyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo saxo dowladduuna ay u hesho maslaxadeeda.

“Hadda waa in dib loo keeno heshiiskaas baarlamaanka, si ay meesha ugu cadaato in dowladda Soomaaliyeed wixii ay maslaxadeeda ku jirto ay ka hesho meeshaas” ayuu yiri.

Dhankeeda wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Marweo Fardowso Cismaan Cigaal oo ka hadashay arrintan ayaa qirtay inuu jiro heshiiskan, isla-markaana ay dowladdu leedahay 12%, balse waxay ay sheegtay in heshiiska uu ka horreeyay, ayna gashay dowladdii hore.

“Qodobka ah 12% dowladdii hore ayaa kula heshiisay oo naga horreysay annaga sababaha ay ugu heshiisay iyo waxa koos gareeyay ma naqaano, laakiin heshiiska ayay ku cadahay” ayay iyaduna tiri wasiir Fadowso Cismaan Cigaal oo qirtay in mar kale lagu laaban karo heshiiskaas.

The post Daawo: Xildhibaan kashifay heshiiska hotel DECALE – Maxaa ka khaldan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this