Sign in to follow this  
Deeq A.

Elon Musk oo sheegay in dagaalka dhexmari doona isaga iyo Mark Zuckerberg toos looga daawan doono Twitter-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Mulkiilayaasha X (Twitter) iyo Meta ayaa tan iyo bishii June hawada isu marinayay hadallo uu midba midka kale ku weerarrayay.

“Dagaalka Zuck v Musk waxa toos looga daawan doonaa X. (Twitter) Lacagaha ka soo xarooda waxa lagu sadaqaysan doonaa halyeeyda,” ayuu ku yidhi Musk qoraal uu soo dhigay bartiisa X aroornimadii hore ee saaka, isagoon faahfaahin intaa ka badan bixin.

Aroornimadii hore ee Axada waxa uu sheegay Musk inuu qaadayay miisaan culus si uu isugu diyaariyo dagaalka uu la galayo Mar Zuckerberg.

Qof ku waydiiyay Musk bartiisa X waxa uu dagaalka ula jeedo, waxa uu yidhi “waa hab dagaal oo ilbax ah. Ragu dagaalka waa jecel yahay”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this