Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxwaynaha waxa waajib ku ah inuu mudo shan iyo toban maalmood gudohood ah ku soo saaro digreetada cayimidda doorashada kadib marka uu helo dhawaaqa Gudida Doorashooyinka Mudadaasi hadda way ka dhacday..”

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyayaasha qodobkiisa 6aad, Madaxwaynaha waxa waajib ku ah inuu mudo shan iyo toban maalmood gudohood ah ku soo saaro digreetada cayimidda doorashada kadib marka uu helo dhawaaqa Gudida Doorashooyinka. Mudadaasi hada way ka dhacday Madaxwaynaha, haddii aanu sidii wax ka bedellkii Xeer Lr. 14, la odhan xafiisku ku haystay. Xeerku se waxa uu waajib ka dhigayaa in la shaaciyo. Waxyaabahaas gadaal laga soo saarayaa waxa keenay muranka maanta taagan ee dalku hallista ugu jiro. Horta Xeer Lr. 14 ee “uu soo celiyay” Madaxwaynuh xaggee ayuu ku danbeeyey?

Xaalku sidaas marka uu  yahay, dalku waxa uu galay hubaatin la’aan sharci oo kale oo ay keentay digreetadaas aan la soo saarin. Sabab? Sharci ahaan waydiimo ayaa jira dhawr ah:

1. Madaxwaynaha qodoka 6aad ma waajib ayuu saarayaa aanu ka noqon karin mise waxa uu siinayaa kala xulasho uu ku diidi karo soo jeedinta Gudida Doorashad? Haddii ay ta hore tahay, xeer jebintaasi waa inay keento talaabo sharci oo laga qaado madaxwaynaha. Qodobku sidan ayuu u qoran yahay:

“Komishanka Doorashooyinku waa in ay cayimaan waqtiga doorashada 120 (Boqol iyo Labaatan Maalmood) ka hor waqtiga doorashadu dhacayso, Madaxweynuhu waa in  uu 15 maalmood gudahood ku soo saaraa degreetada cayimaadda muddada

doorashadda, kadib marka uu helo cayimaadda Komishanka (qodobka 6(2).”

“Waa in,” sharciga dhexdiisa waa waajib.

2. Digreetada uu soo saari waayay Madaxwaynuhu ma waxa ay la mid tahay in cayimaddii Gudida Doorashadu ay dhacday (expire) oo loo baahan yahay inay mid kale soo saaraan?

3. Madaxwaynuhu haddii uu rabo inuu qabto doorashooyinka, muxuu uga joogsaday inuu raaco hanaanka ku cad qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka?

4. Farsamo ahaan dib u dhaca ay keenayso dib u dhigista digreetada madaxwaynuhu miyay keeni kartaa dib u dhaca ku yimaadda jidwalka doorashooyinka? Dib u dhacaas miyaanu masuuliyadeeda lahayn Madaxwaynuhu?

W/Q Garyaqaan Guleed Dafac

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this