Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye kuxigeenka guddida qandaraasyada oo soo gabigabeeyay kulan hawleed ay la yeesheen Baanka Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gud/kuxigeenka Guddida Qandaraasyada oo soo gabigabeeyay Kulan Hawleed ay la Yeesheen Baanka Adduunka

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye Kuxigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi ahna kusimaha Gudoomiyaha Gudidda Qandaraasyada ayaa Maanta soo gabagabeeyay kulan hawleed u dhaxeeyay Guddida Qandaraasyada iyo Masuuliyiin ka socday Baanka Aduunka (World Bank) Kulankaas oo socday Saddex Maalmood.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta Nidaamka Qandaraas ee Dalka ayaa Waxa Kasoo qayb galay masuuliyiin Wasaaradda Maaliyada, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada, Xafiiska Xisaabadka Guud, Garyaqaanka Guud iyo Wasaarado iyo Hay’addo Dawladeed oo kale iyo Khuburo Ku takhasusay qaybaha Iibka Casriga ah.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gudidda Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuled oo habka Fogaan Araga kaga qayb galay ( Virtual Zoom) Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan, Xubno Ka mida Guddida Qandaraasyada iyo Agaasime Waaxeedada Xafiiska Gudidda Qandaraasyada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this