Sign in to follow this  
Deeq A.

Madxweyne Xasan oo Kulamo Gaar ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo khawaarijta Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.May be an image of 9 people and daisMay be an image of 9 people and dais
May be an image of 1 person
May be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this