Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo dalab culus hor-dhigay odayaasha GALMUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-2.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa odayaasha kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo khawaarijta Al-Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday inay madaxweynaha ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dawlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo la filayo inuu muddo ku sugnaado. 

Ujeedka socdaalkiisa ayaa ahaa in dhamaystirka wajiga koobaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo Galmudug, iyada oo hawlgallo ay ka bilaaban doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. 

Magaalada Ceelbuur ayaa kamid meelaha sida wayn loogu taamayo in lagala wareego Al-Shabaab.

366252179_705306318307177_30540306385737 363418857_705306268307182_20928496642348 Xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 365777611_705307251640417_78302893782451 366203253_705306354973840_44872160154573 366287654_705307271640415_80616618081896 366250440_705306768307132_83684647240980 Xasan-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 363852982_705306378307171_83919783021248 366257719_705306858307123_74329574017487 366238439_705306524973823_22154616125906 366254007_705307451640397_88015664061615 366283718_705307001640442_19267297597861 366247695_705306148307194_46933228246391 Xasan-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo dalab culus hor-dhigay odayaasha GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this