Sign in to follow this  
Deeq A.

GALMUDUG oo war kasoo saartay qorshaha Xasan ee Dhuusamareeb iyo dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
d4902720-0366-4035-a6b4-b3df05c4bae8.jpe

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxtooyada Galmudug ayaa faahfaahin ka bixisay qorshaha uu damacsan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhigtay magaalada Dhuusamareeb, maalmahaana sii deganaa doona iyo sida ay u arkaan go’aankiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu kaga hadlay sida maamulkiisu uu u arko go’aanka Masaxweynaha oo dagaalka Al-Shabaab ka hoggaami doona Dhuusamareeb.

Cali Ciid ayaa sheegay in wax weyn ay Galmudug uga dhigan tahay inay marti geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo ajendihiisu uu yahay xoreynta dalka, isagoo xusay in ka Galmudug ahaana ay ka faa’iideysa doonaan fursadaan ay diyaarka ula tahay madaxda dowladda dhexe oo xoogooda isugu geeyey dagaalka ka socda Galmudug.

“Madaxweynuhu caasimadda Galmudug ayuu u soo guuray kuna shaqeyn doonaa, ujeedadiisu waa inuu xoreynta dalka u gacan banaanaado oo kulamadiisa siyaasadeed uu awooda ku saaro dagaalka Khawaarijta, marka xoogiisa wuxuu go’aansaday inuu isugu geeyo dagaalka Khawaarijta oo Galmudug ka bilowday dalka oo dhana lagu xorey doono,” ayuu yiri Cali Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh muddo uu ku sugnaa doono Dhuusamareeb, “Waa madaxweynihii ugu horeeyey oo caasimada Soomaaliya uga soo guuray dagaal ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Ciid.

Waxaa la weydiiyey mudada uu Xasan Sheekh sii joogi doono Dhuusamareeb, wuxuuna ku jawaabay Cali Ciid inay qaadan doonto bil iyo wixii ka badan, sida u qorsheysan madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mudadaasna lagu soo afjari doono Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug.

“Markii la fiiriyo baaxadda howlgalka iyo ciidamada aan diyaarinay, muddo kooban ayaa lagu soo afjari doonaa Khawaarijta joogta Galmudug,” ayuu wareysigaan ku yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Sidoo kale Cali Ciid wuxuu sheegay in howlgalka ka bilaabanaya Galmudug ay dowladda Soomaaliya, Galmudug iyo dadka deegaanku u diyaariyeen ciidan ka badan (toban kun) oo askari oo isugu jira ciidamada qaranka, daraawiishta Galmudug iyo Macawiisley dadka deegaanka ah oo ciidanka garab sii doona.

“Madaxweyne Xasan Sheekh dagaalkaani waa ka dhab, sanadkaan inta uusan dhamaan ayuu doonayaa in dalka oo dhan laga ciribtiro Khawaarijta, howlgalkaan waa ka baaxad weynyahay kuwii hore, taageero dhinaca cirka ahna waxaan ka heli doonaa saaxiibadeena caalamka,” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa la weydiiyey hadii ay jirto dowlad kale oo Mareykanka aan aheyn oo la qorsheynayo inay fuliso duqeymaha cirka markii loo baahdo, wuxuuna ku jawaabay, “Ma kala qaad qaadayo, laakiin howlgalkaas dhinaca cirka ah waxaa iska kaasha doona hey’adda NISA iyo saaxiibada Soomaaliya taageera.”

The post GALMUDUG oo war kasoo saartay qorshaha Xasan ee Dhuusamareeb iyo dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this