Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaale oo lagu weeraray tallaabo uu maanta qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
349152361_6189623031090825_6577132463565

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si weyn loogu weeraray shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkan jaraa’id ayaa waxa uu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ku aadan ‘dhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho iyo cabashooyinka soo yeeraya, isaga oo dul istaagay eedeyn culus oo loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Madaale ayaa beeniyay in qoyska madaxweynaha ay boob ku hayaan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaasi oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay waxba kama jiraan, isagoo tilmaamay in la doonayo in la’iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed iyo madaxweynahooda.

“Qaraabada madaxweynaha yaan waxba afka lala raac-raacinee hala hubsado, anigu mas’uuliyad markaan qabto in la qeyliyo iyo in la caytamo ma kala jecli waxaa iga go’an inaan shaqeeyo” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Haddaba, hadalkaan ayaa waxa si yaab leh loogu weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana dadka ka fal-celiyay kamid ah;

Maxamed Muuse Aadan: “Timirba lafaa ku jirto maxaa isku soo beegay baahida Talyaaniga ee Case Italia iyo nidaamkaan cusub. Dhul la boobay sidiisaba ma waaro.”

Cilmi ayaa isna waxa uu yiri: “Su’aasha waxay tahay maxaa markii Madaxweyne Xasan la doorto buuqa dhulalka u bataan? 5 sano lasoo dhaafay wax muran iyo buuq dhul ku saabsan ma jirine maxaa hadda kusoo beegay?.”

“Guddoomiye inaad sidaad u dhigtay maahayn inaad udhigto waxaa la rabay inaad ku ekaato dhulka dhul dowladeed buu ahaa Italy. Dadkaas ayadaa lahayd sababta lagu barakiciyay waxaan isleeyahay dowladnimaday dhaawac ku tahay,” ayuu yiri Xamse Xasan.

Axmed Sangab: “War nin weyn baad tahaye Talyaani ma joognee umada Soomaaliyeed ee dagan meesha uga leexo, hadaadan wadin dulmi waxa wadaan waa wixii shalay dagaalada sokeeye sababaye Madaalow dhiiqaad lugaha la galoosiin ee ka jooga.”

Xuseen Diirshe ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dadka dhul booobka wada ee dhulka dowlada isku dhajinayaaa wa in talaba laga qaaada meesha inay dowlad ka jirtaa wali maba aaminsanaaa dadkan.”

“Tani ma noqon kartaa caqli-galkii dawladnimo?! Falaari gilgilasho kagama harto aaway shuruucdii, nidaamkii maamulka iyo hay’adihii dowliga ahaa?,” ayuu yiri Ismaaciil Axmed.

Cabdull Muuse ayuu yiri “Tuugooyinkii ayaa rabaan dhul aysan laheen inay dhacaayaan 2023.”

“Dowladu wey ku saxsan tahay in dhulka dowladu ay leedahay ey ka saarto dadka laakiin waa inay meel kale u rqadisaa dadkaas oo ay ku nooladaan,” ayuu yiri Aamiin Macallin Qoje.

The post Madaale oo lagu weeraray tallaabo uu maanta qaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this