Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza iyo La-taliyaha Biden oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
366145193_645515834344233_54538413177380

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul oinsaanka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Mudane Xamza Warfaa oo soo gaaray dalka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo La-taliye Warfaa ayaa iska xogwareystay xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-iinsaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in Warfaa uu caddeyn u yahay fir-fircoonida iyo dad la dhaqanka ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Waxa uuna sheegay in doorka muuqda ee Soomaalida ay ku leeyihiin dalalka horumaray looga baahan yahay in uu ka muuqdo dhulkooda hooyo.

Mudane Xamza ayaa la wadaagay sida ay xukuumadda Dan-Qaran mudnaanta u siisay ilaalinta xurriyadda hadalka, madax-bannaanida saxaafadda iyo xaqiijinta xogsiinta shacabka ee arrimaha dowladnimada.

La-taliye Warfaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre soo dhaweynta wanaagsan iyo kulanka miro-dhalka ah.

Warfaa oo kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno kamid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale.

Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho uu yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda.

363411235_645515961010887_42693793232942

366189451_645515997677550_66901630264659

366145193_645515834344233_54538413177380

366223556_645516044344212_57735237623368

The post Sawirro: Xamza iyo La-taliyaha Biden oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this