Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo maanta heshay kaalmo lacag oo la xiriirta dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
366248909_274316378742248_17741085646608

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay danjiraha dpwladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .

Kulankaan oo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan madaxda hay’adda SODMA, ayaa waxa uu safiirka guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo kaalmo ah.

Kaalmada ayaa dowladda Shiinaha waxay ugu tala-galeen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SODMA, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hay’adda.

Gargaarka mucaawino ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo deeganada kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen abaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray in dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso mashaaricda Horumarinta, qalabeenta iyo dhisida ceelasha biyaha, tababarada shaqaalaha hay’adda iyo sii xoojinta xiriirka hay’adda iyo safaarada.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

366103591_274315895408963_45714185808546

366254725_274315855408967_27161656919532

366248909_274316378742248_17741085646608

366256153_274315888742297_64071068757086

366142411_274319985408554_67288548838916

366252868_274316188742267_82334428890960

The post DF oo maanta heshay kaalmo lacag oo la xiriirta dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this