Sign in to follow this  
Deeq A.

La-taliyaha madaxweyne BIDEN oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
365392927_824423462386016_87537373826741

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray mid kamid ah la-taliyeyaasha muhiimka ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Aadan Cadde.

Ninka oo lagu magacaabo Xamza Warfaa, ayaa asalkiisu yahay Soomaali, wuxuuna horay madaxwyene Biden ugu magacaabay inuu wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuquraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole, xubno ka mid ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa soo dhaweyta qayb ka ahaa qaybo kamid ah bulshada oo ay ugu horreeyaan dhalinyarada Barbaarta Gaashaaman oo ciyaaro ku soo dhaweeyay.

Intaas kadib waxaa Xamza Warfaa ayaa loo galiyay gudaha caasimada, gaar ahaan halka loo diyaariyay, halkaas oo ka uu bilaabi doono kulamo kala duwan.

Mas’uulkan ka socda dowladda Mareykanka ayaa inta uu joogo Muqdisho la kulmo doono madaxda sare ee dowladda oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dal iyo arrimo kale.

Wuxuu Xamza kamid yahay Soomaalida xilalka muhiimka ah ka heysa Mareykanka, waxaana lamid ah Ilhaan Cumar oo horay marar kala duwan usoo booqatay dalka.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Muqdisho u yimid kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson, kaas oo wadahadal gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna dowladda federaalka ah ka taageeraa dhinacyada howlgallada iyo maaliyadda.

365608782_746697324163543_75007882252963 365617539_746697334163542_14485414232715 365660952_746697287496880_39925169105670 365687621_746697304163545_60624027920243 365716909_746697277496881_31150329824895

The post La-taliyaha madaxweyne BIDEN oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this