Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maalgashiga oo la Kulmay Masuul ka socday Hay’ad ka Shaqeysa Wershadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20230805-WA0007.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-wayne iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa xarunta wasaaradda ku qaabiley wafti ka socda hay’adda UNIDO, oo ka shaqaysa horumarinta wershadaha.

Hay’adda UNIDO, oo ka shaqaysa horumarinta warshadaha, ayaa rabta ay door mihiima ka ciyaarto sidii loo horumarinlaha adeeg bixinta warshadaha dalka JSL.

Kulanka masuuliyiinta iyo hay’adda oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda maalgashiga ayaa mudadii uu socday lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada wershadaha dalka.

Kulankaas oo muddo qaatay waxa lagaga wada hadlay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin, xaalada warshadaha dalka, xoojinta wada shaqayneyd ee warshada iyo hayadda iyo sidii loo horumarinlahaa warshadaha dalka iyo in ay hay’addu la kulmi doonto ururka warshadleyda dalka, isla markaana ay kala shaqayn doonaan horumarinta Warshadaha dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this