Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaga Guurtidda oo ka Dooday Siyaasadda Dibadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaga Guurtidda oo ka Dooday Siyaasadda Dibadda Somaliland

IMG-20230805-WA00061.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii saaka ee golaha Guurtida Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudanayaashu waxa ay dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibedda.

Mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa maanta dood adag ka yeeshay siyaasadda arrimaha dibedda ee dalka, waxa ay awooda saareen xaalka Qurba-joogta dalka, oo ay sheegeen inay wakhtigan ka qayb qaadanayaan xaaladaha taagan, waxaanay ugu baaqeen inay ka waantoobaan iska horkeenka bulshada JSL.

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxa ay sheegeen in Siyaasada arrimaha dibeddu ay iibiso siyaasada arrimaha gudaha, waxa ay sheegeen in siyaasadda arrimaha dibeda dalku ay meel fiican marayso, wadanada caalamkuna ay qireen isku tashiga bulshada iyo dawladda ee dalka ka socda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this