Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu riday xukun xarig ah

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-26fc-08db25ee432e_w40

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray Sabtidii kadib markii garsoore uu ku helay dambi ah in uu galay la xiriira musuqmaasuq.

Garsooraha ayaa Imran Khan ku xukumay saddex sano oo xarig ah, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo saraakiisha dalkaasi Pakistan.

“Waxaan hadda helay xogta ku saabsan in Imran Khan la xiray,” ayuu yiri Attaullah Tarar, oo ah kaaliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, oo la hadlay warbaahinta.

Booliska Lahore ayaa sheegay in Khan ay xireen saraakiil ka tirsan ciidamada Islamabad.

Khan, oo hadda ah hoggaamiyaha xisbiga PTI, ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray la kulmay in ka badan 150 dacwadood iyo eedeymo uu sheegay in ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed.

“Waxaan racfaan ka qaadan doonnaa xukunka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Intezar Hussain Panjutha, oo ka mid ah qareennada difaacaya Imran Khan.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu riday xukun xarig ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this