Deeq A. Posted August 5, 2023 siyaasiga Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa taladii maanta u bixiyay Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay facebookgiisa, wuxuuna u qornaa sidan: “Talada Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin waxay ahayd aarsi Siyaasadeed oo weliba aan garawshiiyo lahayn!!! Siyaasiga Soomaaliga ah waxa jira hal cudur oo uu kaga duwan yahay Siyaasiyiinta Adduunka kale. Cudurkaasi waxa weeye in aan weligii ilaawin ama aanu saamixin Siyaasi kale oo maalin jalaafo u dhigay ama ka raacay cid ay is hayaan. Daahir Rayaale Kaahin waxaanu weligii ka hadhaynin arintii Baarlamaanka ee Cabdiraxman Cirro berigii la saftay Axmed Siilaanyo. Laakiin Daahir Rayaale Kaahin mid baa seegtay taas oo ah in uu ilaaway in Degaanka Cabdiraxman Cirro uu ilaa maanta bixinayo godabtii lagu shaambadeeyay in ay iyagu ka hiiliyeen Mujaahid Axmed Siilaanyo berigii uu 80 cod ku waayay kursigii uu u soo halgamay.” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites