Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamse oo BF u sheegay sabab yaab leh oo Wasiir Xasan Macalin uu ku soo daahay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-1.jpeg?fit=2048%2C1480&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay fal-celintii uu maanta golaha shacabka kala kulmay wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Soomaaliya Xasan Macalin.

Xamse oo galabta ka hadlay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa sheegay in wasiirku uu maanta ku daahay shirkii amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu shir guddoomiyey.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu sheegay in Wasiir Xasan Macalin uu ka shaqeynayey sidii loo diri lahaa ciidan ka qeyb qaata xoreynta Ceelbuur oo uu ka soo jeedo.

“Baarlamaanka waxaan u sheegayaa Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin shaqo adag ayuu ku maqnaa maanta iyo waayahaan oo dhan, waxa uu ku jiray shirkii amniga Qaranka, markii uu naga soo tegay wuxuu u tegay xildhibaanada oo u xanaaqsan, marka waxaan ka codsanayaa inay xildhibaanadu xaaladda dejiyaan,” Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Barre ayaa baarlamaanka u sheegay in wasiirku shaqo adag uu ku maqnaa, isagoo xildhibaanada ka dalbaday inay baxaan oo deegaanadoodii aadaan oo dadka abaabulaan, kana qeyb qaataan xoreynta dalka.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Wasiirka waxaan saakay kula xisaabtameynay deegaankiisii inuu howl-geliyo oo ciidan diro, inuu dadka abaabulo oo awood uusan laheyn uu ka shaqeeyo ayaan kula xisaabtameynay, markii uu baarlamaanka tegay wax uu ku soo daahay ma aysan weydiin ee waxaa lagu qabsaday waa naga soo daahday.”

Kulankii maanta ee baarlamaanka federaalka Somalia oo la filayay inuu hortago Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin ayaa ka daahay kulankii, ayada oo ay taas xildhibaanada Golaha Shacabka si adag uga hadleen maqnaashaha wasiirka oo mar dambe oo doodu adkaatay soo galay hoolka, balse laga saaray.

Ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ay xildhibaanadu usoo diyaar garoobeen, balse halkii laga doodi lahaa, wasiirkana uu uga jawaabi lahaa xildhibaanada uu buuqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in ajendahan laga gudbayo, isla-markana waxa laga yeelayo wasiirka laga rabo xildhibaanada.

“Kolley wixii waxaas kalifay golaha ayaa is weydiin doona, taladeedana golaha ayay u taalaa iyo sida laga yeelayo wasiirka” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

The post R/W Xamse oo BF u sheegay sabab yaab leh oo Wasiir Xasan Macalin uu ku soo daahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this