Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo oo doortay guddoomiye maamul

Recommended Posts

Deeq A.   

SSC-Khaatumo oo Doortay Guddoomiye Maamul

IMG-20230805-WA0003.jpg

IMG-20230805-WA0004-1.jpg
Hargeysa(Qaran news)-45 xubnood ee Golaha Dhexe ee maamulka la baxay SSC-Khaatumo ayaa maanta u doortayc Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) inuu noqdo Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee maamulka SSC-Khaatumo.

Mr. Firdhiye oo 30 cod,halka murrashixii la tartamayeyna Maxamed Ismaaciil Bulaale uu helay 15 cod.

Mr. Firdhiye ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta safka hore kaga jiray dagaalka ka dhanka ah Somaliland, waxaanu diirashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Doorashadan oo SSC-Khaatumo u ah guul iyo horusocod siyaasadeed oo ay ka sameeyeen maamylkooda ayaa ah mid sii hurinaya dagaalka toddobada bilood qaatay ee ka socda Laascaanood.

Sidoo kale maamulkan ayaanay aqoonsayn Dawladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegtaan inay taageersan yihiin midowgii Soomaaliya, kana soo horjeedaan gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this