Sign in to follow this  
Deeq A.

Waraysi lalal yeeshay madaxweynahii hore ee Somaliland Dahir Rayaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Shaaciyay in Xalka Kaliya ee Khilaafka Lagaga Bixi Karaa Yahay Doorashada Ururrada oo lagu socdo Xeerkeediina la Ansixiyo

Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagaga bixi karo khilaafka doorashooyinku uu yahay iyadoo cagta la saaro nidaamka doorashada isla markaana la ansixiyo xeerka Doorashada Ururrada.
Madaxweynihii hore waxa kaloo uu sheegay in ay talo xumo ay sameeyeen inamada buurta fuulay wax ay soo kordhinaysaana aanu jirin.
Daahir Rayaale wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta khadka Telefoonka ugu warramay Telefishanka SAHAN, isagoo jooga dalka Faransiiska oo uu degan yahay, waxaanu talooyin kala duwan u jeediyay Madaxweynaha, Golaha Wakiillada, Guddida doorashooyinka iyo xisbiyada wakhtigu ka dhacay.

Daahir wuxuu talo u jeediyay Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Mudane Qarankan adigaa madaxweyne ka ah wanaag iyo haddii dhaliili timaadaba cidda barri lagu qorayaa adiga ayay noqonaysaa. Waxaan jecelaystay waxaan leeyahay ururrada xeerkoodii ma diyaarsana waxaan kugula talinayaa inaad ururrada xeerkoodii adigu curiso oo aad u gudbiso Golaha Xeer-dejinta adigoo tixraacaya go’aankii maxkamadda distuuriga ah ee ahaa in toos loo galo doorashada ururrada maadaama oo aad isku sidigteen labadii doorasho ee Deegaanka iyo Wakiillada oo aanu bishan kula dhaafin. Si ay hawshaasi u soo afjaranto oo looga baxo in la yidhaahdo xeer ma jiro iyo muranka.”
Maadaxweynihii hore wuxuu sheegay in dhallinyarada buurta Gacan-libaax jooga ay talo xumo saartay isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dhalinyarada buurta Gacan-libaax fuushay talo xumo ayaa saartay wax ay buurta Gacan libaax ka keenayaana ma jirto. Waxaan kugula talinayaa madaxweyne ciidan ha u dirin, haddii aad u dirtayna ciidamadaas xeryahooda ku soo celi, odayaal u dir arrintaas soo furdaamiya.”
Mudane Daahir Rayaale wuxuu ugu baaqay Golaha Xeer-dejinta inay masuuliyadda ay hayaan ka soo baxaan, wuxuuna tilmaamay in aanay u shaqeynin xisbiyo iyo kooxo, waxaanu u soo jeediyay inay kolba xeerka muhiimka ah ee taagan ay ansixiyaan si muranka iyo walaahowga looga baxo.

Madaxweynihii hore wuxuu u soo jeediyay Komishanka Doorashooyinka inay u hoggaansamaan halka aqlabiyadoodu marto, waxaanu yidhi; “Komishanka waxaan u soo jeedinayaa Guddi garsoor ayaad tihiin uma shaqeysaan xisbiyo iyo ciddii idin soo magacowday. Tiradiinu waa toddoba xubnood, afar xubnood halka ay isku raacaan ayaa inta kale ku khasban yihiin aniga ayaa ka baxay iyo waxaas looma baahna. Masuuliyadaasna waad u dhaarateen ummadda ee waa inaad masuuliyadaas sideeda u gudataan.”

Waxa kaloo uu sheegay in wakhtigii xisbiyadu dhacay oo ay maanta noqdeen ururro, “Xisbiyadda qaranka muddadoodu waxay ku ekayd 13kii December 2022kii, markaa aan ka taliyay ee aan idhi way isfuuli doontaa oo muran baa iman doonee yaan la isku darin labadii doorasho ee Wakiillada iyo deegaanka tii baa halkan idinla soo gaadhay waa inaad ku biyo cabtaan wakhtigiinu wuu dhacay oo urur baad tihiin. Annaga uun baa tartamaynana arrin maaha. Ururradaas la jideeyay ayaad ka mid tihiin ee u diyaar garooba tartankiinna.,”ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Madaxweyne waxaad u noqonaysaa ummadda reer Somaliland oo dhan . shaadhka Somaliland gashada shaadh kale ha gashanina ninka madaxweynaha noqonayaa Somaliland oo dhan buu madaxweyne u yahay oo uu cod ka rabaa. Markaa wajaha oo xaqiiqda isku dhiga.”

Madaxweynihii hore wuxuu shacbiga Somaliland ku booriyay in laga baxo qabyaalada oo wadajirka reer Somaliland laga shaqeeyo, taasi oo ah sida kaliya ee ay qarannimada Somaliland ku iibsamayso.
Md.Daahir Rayaale waxa uu tilmaamay in xalka kaliya ee khilaafka lagaga bixi karaa ay tahay in cagta la saaro doorashada ururrada oo sharcigeediina la ansixiyo
Waxa kaloo uu u soo jeediyay dhalinyarada buurta gashay in ay cod ugu hiiliyaan cidda ay taageerayaan,waxaanu yidhi “Inamada buurta fuulay waxaan leeyahay cidna uma hiilinayaan, magaca beeshana way ceebaynayaan ha ka soo dejiyaan beeshu oo cid ha ugu hiiliyaan cidda ay u hiilinayaan.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this