Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada beelaha Habarjeclo oo si adag uga Hadlay Xadhiga Bushaaro Baande

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada beelaha East Burco Clan oo si adag uga Hadlay Xadhiga Bushaaro Baande

Hargeysa (Qaran news)- Xildhibaannada beelaha East Burco Clan ee ku jira Golaha Wakiillada ayaa cambaareeyay xadhiga weriye Bushaaro Baande oo ay tilmaameen inay 88 maalmood ah si caddaalad darro ah ugu xidhan tahay Hargeysa.

Xilshibaanadu waxay sheegeen in xeer ilaalinta iyo bahda garsoorku ku fashilmeen kiiska suxufiyadaas oo ay ku eedeeyeen inay ku tacadiyeen weriyahaas, waxayna sheegeen in xataa laga hor istaagay inay dhakhtar madaxbannaan oo ay u baahan tahay ay hesho.

Xildhibaannadaasi waxay ku baqeen in xeer ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare looga yeedho golaha Wakiilladda si loogala xisaabtamo kiiska suxufiyadaas oo kolba rumaan dheeraad ah loo diray.

Waxa kaloo ay xildhibaannadaasi ka dayriyeen caddaaladda dalka oo ay xuseen in ha’yadihii qaabilsanaa ay ku milmeen Xukuumadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this