Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaale oo Mahad Salaad ka codsaday in uu ka difaaco xil ka qaadis ku wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahad-iyo-madaale-madaale-iyo-mahad-sala

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Madaxtooyada, NISA iyo Gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo in uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Arrintaan oo aad u xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay ayaa ilo kala duwan waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu bilaabay dadaalo uu uga hortagayo qorshaha xil ka qaadistiisa.

Dad kala duwan oo ay ku jiraan Xildhibaano ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka codsaday in lala heshiisiiyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo uu khilaaf kala dhaxeeyo bilooyinkii lasoo dhaafay, si uu uga qeyb qaato ka hortagga xil ka qaadistiisa.

Guddoomiye Madaale ayaa isku dayay in Agaasimaha NISA ay ku kulmaan Muqdisho, balse waa uu ku guul dareestay dadaalkiisa, waxaana dhici karta in uu dhawaan u safro Dhuusamareeb si ay isugu arkaan Agaasimaha NISA.

Mahad Salaad iyo Madaale ayaa kol hore isku fahmi waayay Barnaamijyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo ka jiray Muqdisho, waana sababta keentay in uu xumaado xariirka labada Mas’uul.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha NISA waxaa la sheegaa in ay ahaayeen ragii ka shaqeeyay in Madaale loo magacaabo duqa magaalada, balse labada mas’uul ayaa ku hunguubay magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Villa Somalia ayaa Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ku eedeysay in uu Madaxtooyada ka xigsan waayay cabashada beelaha daga Muqdisho iyo HirShabeelle iyo in shaqada gobalka ay aad u liidato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorshenaya in uu isbadalo sameeyo marka uu kasoo laabto safarkiisa Dhuusamareeb.

The post Xog: Madaale oo Mahad Salaad ka codsaday in uu ka difaaco xil ka qaadis ku wajahan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this